Wasiirka Gaashaandhigga oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga

0
Thursday September 24, 2026 - 20:44:21 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 9
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga, oo uu wehliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga, oo uu wehliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Wafdiga waxaa hogaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee arrimaha amniga iyo difaaca.

Wasiirka ayaa bogaadiyey taageerada Midowga Yurub, gaar ahaan Dowladda Talyaaniga, ee dib-u-dhiska ciidanka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda taageeradaas si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip