
Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeer ku Tagay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka ee XDS
Kormeerka waxaa ku weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, guddoomiyeyaasha maxkamadaha iyo Taliyaha Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga caasimadda Muqdisho, adkeynta difaaca iyo kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Intii uu socday kormeerka, madaxda ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay xarumo cusub oo xabsi ah oo loogu talagalay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka, kuwaas oo qeyb ka ah horumarinta kaabayaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo difaaca, laguna horumarinayo awoodda ciidanka ee xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.










0 

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeer ku Tagay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka ee XDS
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dal