Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay dowladdu waddo ee la-dagaallanka argagixisada, guulihii ugu dambeeyey ee la xaqiijiyey, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha uga mahadceliyey garab-istaaggeeda joogtada ah iyo mowqifkeeda ku aaddan taageeridda midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

0 