
Ciidamada Badda Turkiga iyo XDS oo Soo Furtay Markabka MV LATUF oo ku Jiray Gacanta Burcad-Badeedda
Hawlgalkan oo socday muddo 10 maalmood ah, waxaa lagu burburiyey afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeeddu, halka 14 ka mid ah ay ku dhinteen. Cadaadiska joogtada ah ee ciidamada ayaa ugu dambeyn ku qasbay burcad-badeedda hartay inay ka cararaan markabka.
Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay markabka MV LATUF, kaas oo hadda si nabad ah u sii wata socdaalkiisii.
Hawlgalkan waxaa saldhig u ahaa heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo xoojinaya wada-shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badaha iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.
Falalka burcad-badeednimadu waa fal-dambiyeedyo culus oo horseedaya ciqaab adag. Wasaaraddu waxay uga digeysaa kooxaha ku lugta leh, kuwa gadaal ka soo riixaya iyo cid kasta oo taageerta ama raalli ka ah falalkan in lala xisaabtami doono, sharcigana la horkeeni doono.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga oo iska kaashaday fulinta hawlgalkan, waxayna adkeyneysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta xeebaha iyo biyaha dalka, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo xaqiijinta badqabka isu-socodka maraakiibta.



0 

Ciidamada Badda Turkiga iyo XDS oo Soo Furtay Markabka MV LATUF oo ku Jiray Gacanta Burcad-Badeedda
Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka MV LATUF, oo burcad-badeeddu 17-kii Agoosto 2026 ka afduubteen aagga xeebta Jifle ee degmada Eyl, gobolka Nugaal.