TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO BOOQASHO KU TAGAY TALISKA XERADA MASLAX EE CXDS
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay Taliska Xerada Maslax ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka, isaga oo ka duulaya howlaha mudnaanta u leh ciidanka iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada taakulaynta, ayaa indha-indheeyay xarumaha iyo goobaha loogu talagalay taageerada iyo taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Saraakiisha Taliska Taakulaynta, oo uu ugu horreeyo Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Garabay, ayaa Taliyaha warbixin ka siiyay howlaha ugu dambeeyay ee taliska, qorshayaasha casriyeynta iyo horumarinta adeegyada taakulaynta, iyo qorshaha lagu soo kordhinayo xarumo cusub oo casri ah si loo xoojiyo waxqabadka Taliska Taakulaynta.

0 