
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku Soo Xiray Tababarka "Wariyayaasha Nabadda" ee Isbahaysiga IMCTC
Wasiirka waxaa munaasabadda ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Abuukar Maxamed; Madaxa Ergada Soomaaliya ee IMCTC, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare; iyo Madaxa Warbaahinta Isbahaysiga, Gaashaanle Fahad Camaar Al-Qaxdaani.
Tababarka waxaa ka qeyb galay wariyeyaal ka kala socday warbaahinta dowladda, warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo hal-abuurayaal ka shaqeeya baraha bulshada. Ka qeybgalayaasha waxaa la baray falanqaynta farriimaha xagjirka ah, aqoonsiga wararka marin-habaabinta ah, ka-hortagga hadallada nacaybka iyo diyaarinta farriimo wax-ku-ool ah oo lagu wajahayo borobagaandada kooxaha argagixisada.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay warbaahintu u leedahay dagaalka lagula jiro argagixisada, gaar ahaan ka-hortagga fikirka xagjirka ah, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Hindisaha "Wariyayaasha Nabadda” ayaa qeyb ka ah iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IMCTC, kaas oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha qaranka iyo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee la-dagaallanka argagixisada, ka-hortagga marin-habaabinta iyo xoojinta amniga bulshada.




















0 

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku Soo Xiray Tababarka "Wariyayaasha Nabadda" ee Isbahaysiga IMCTC
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar afar maalmood socday oo qeyb ka ahaa Hindisaha Istaraatiijiga ah ee "Wariyayaasha Nabadda", kaas oo uu soo