Mas'uuliyiin ka Tirsan Dowladda Fedeeraalka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kulan la Yeeshay BeeraleydaSh/Hoose

0
Saturday August 29, 2026 - 21:11:09 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin ka Tirsan Dowladda Fedeeraalka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kulan la Yeeshay BeeraleydaSh/Hoose

    Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cuma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeellaha Hoose.

Beeraleyda ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay cabashooyin la xiriira dhibaatooyinka ay Khawaarijta Al-Shabaab ku hayaan deegaannadooda iyo waxyeellooyin ay sheegeen inay kasoo gaareen qaar ka mid ah howlgalladii ugu dambeeyey ee gobolka ka dhacay.

Mas’uuliyiintu waxay dhegeysteen cabashooyinka beeraleyda, iyagoo adkeeyey muhiimadda ilaalinta dadka rayidka ah, hantidooda iyo wax-soo-saarka beeraha inta ay socdaan howlgallada amniga. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in cabashooyinka la diiwaangelin doono, lana gaarsiin doono hay’adaha ay khuseyso si loo baaro, loogana gaaro tallaabooyin ku habboon.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip