Soomaaliya iyo Isbahaysiga IMCTC oo Muqdisho ka daahfuray Hindisaha "Wariyayaasha Nabadda"

0
Saturday August 22, 2026 - 21:05:35 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Isbahaysiga IMCTC oo Muqdisho ka daahfuray Hindisaha "Wariyayaasha Nabadda"

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashaariic uu Isbahaysigu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaas oo uu ugu horreeyo Hindisaha Is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashaariic uu Isbahaysigu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaas oo uu ugu horreeyo Hindisaha Istaraatiijiga ah ee "Wariyayaasha Nabadda" ee dhinaca isgaarsiinta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo ka badan labaatan sano ku jirtay dagaal ka dhan ah argagixisada. Wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo istaraatiijiyad dhammaystiran oo isku xiraysa dadaallada dhinacyada milateriga, amniga, fikirka, dhaqaalaha iyo warbaahinta.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in laga doonayo inay ka hortagto dacaayadaha iyo marin-habaabinta kooxaha argagixisada, isla markaana xoojiso wacyiga bulshada, wada-hadalka iyo fikirka dhexdhexaadka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda isku-xirnaanta dadaallada milateriga iyo wacyigelinta bulshada, maadaama ciribtirka argagixisadu u baahan yahay in laga adkaado awoodda ciidan ee kooxaha argagixisada, fikirkooda xagjirka ah iyo marin-habaabinta ay ku beegsadaan bulshada.

Hindisaha "Wariyayaasha Nabadda” ayaa loogu talagalay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha bahda warbaahinta, si ay door firfircoon uga qaataan la-dagaallanka fikirka argagixisada, ka hortagga dacaayadaha kooxaha xagjirka ah iyo wacyigelinta bulshada.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale diiradda saaraya faafinta xog sugan, xoojinta farriimaha nabadda, soo bandhigidda dhibaatada argagixisadu u geysatay shacabka Soomaaliyeed iyo ka hortagga in kooxaha argagixisadu warbaahinta iyo baraha bulshada u adeegsadaan faafinta fikirradooda gurracan iyo marin-habaabinta dhallinyarada.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey mashaariicda uu Isbahaysigu ka fulinayo Soomaaliya, isagoo xusay inay gacan ka geysanayaan xoojinta dadaallada qaranka ee la-dagaallanka argagixisada. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey Isbahaysiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya iyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Intii ay munaasabadda socotay, waxaa la soo bandhigay warbixin ku saabsan hawlaha Isbahaysiga, guudmar ku saabsan barnaamijyadiisa iyo faahfaahinta tababarka loo qabanayo xirfadlayaasha warbaahinta dowladda iyo tan madaxa-bannaan, iyo dadka saameynta ku leh baraha bulshada.

Daahfurka hindisahan ayaa qayb ka ah xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo IMCTC, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, dhismaha awoodda hay’adaha amniga, is-weydaarsiga khibradaha iyo tayeynta warbaahinta, si loo xoojiyo difaaca bulshada ee ka dhanka ah fikirka xagjirka ah.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga, Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi; Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud; Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Sheekh Ismaaciil; La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji; mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya; wakiillo ka socday Isbahaysiga iyo saaxiibbada caalamka; iyo xirfadlayaal ka kala socday warbaahinta dowladda iyo tan madaxa-bannaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip