Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXD oo Booqday Xerada Danab ee Gaalkacyo

0
Tuesday August 18, 2026 - 23:38:03 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 15
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXD oo Booqday Xerada Danab ee Gaalkacyo

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday xarunta Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday xarunta Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidamada ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku bogaadiyey dadaalka iyo naf-hurnimada ay u muujinayaan gudashada waajibaadka qaran, wuxuuna kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

 

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ciidamada ku boorriyay inay sida ugu habboon uga soo baxaan dhaartii iyo ballantii ay qaadeen, isla markaana ay si buuxda u gutaan waajibaadka loo igmaday.

 

Booqashada Wasiirka iyo Taliyaha ayaa qeyb ka ah kormeerka iyo dhiirrigelinta ciidamada ku sugan deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

f1.jpegf2.jpegf3.jpegf4.jpeg


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip