Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Gaalkacyo

0
Tuesday August 18, 2026 - 23:31:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Gaalkacyo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Ciidamadda Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka Kubadda cagta Cabdullaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Ciidamadda Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka Kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay shacabka reer Gaalkacyo sida ay xoogga u saareen ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah, isaga oo ugu baaqay in ay awooddooda isugu geeyaan adkeynta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Gaalkacyo soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in Gaalkacyo ay tahay magaalo mideysa shacabka Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo wax weliba oo kala qaybsanaan ah.

 

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa shaqo ee nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

1000005891.jpg
1000005885.jpg
1000005883.jpg
1000005886.jpg
1000005887.jpg
1000005888.jpg
1000005889.jpg
1000005890.jpg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip