MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA IYO WAFDIGIISA OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEEYAY BANDIIRADLEEY

0
Monday August 17, 2026 - 18:11:06 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA IYO WAFDIGIISA OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEEYAY BANDIIRADLEEY

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, halkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Bandiiradleey ayaa qayb ka ah safarkiisa Nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada Galmudug, kaas oo uu ku marayo degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, isaga oo si dhow ugu kuur-galaya xaaladda nololeed, amniga iyo horumarka bulshada ee deegaanada uu booqanayo.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka magaalada Bandiiradleey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka bulshada, amniga iyo horumarka deegaanka.

IMG_3753.jpeg
IMG_3752.jpeg
IMG_3751.jpeg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip