Wasiirka Fiqi oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan

0
Thursday August 06, 2026 - 14:12:54 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Fiqi oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan

    Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday xarunta Shirkadda Global Industrial &am

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday xarunta Shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan.

Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Fulinta shirkadda, Mudane Asad Kamal, oo warbixin ka siiyay awoodaha shirkadda ee dhinacyada warshadaha difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee difaaca. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga, horumarinta awoodaha ciidamada iyo sidii Soomaaliya uga faa'iidaysan lahayd khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkaddu leedahay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Jaamacadda, Sareeye Guuto Babar Iftikhar. Wasiirka ayaa halkaas kaga dhageystay warbixin ku saabsan doorka ay jaamacaddu ku leedahay waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiyadeed, cilmi-baarista amniga iyo diyaarinta hoggaanka sare ee ciidamada.

Wasiirka waxaa booqashooyinkan ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo Taliyayaasha Ciidamada Badda iyo Cirka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip