
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga badda, horumarinta iyo tayeynta awoodaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, tababarrada, iyo is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo masuuliyiin kale.




0 

Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan, halkaa