Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada

0
Thursday May 07, 2026 - 20:05:48 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada

    Madaxweynaha Burkina Faso mudane Kabtan Ibrahim Traoré ayaa maanta qaabilay wasiirka amniga dowladda FS Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta calaaqaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Burkina Faso mudane Kabtan Ibrahim Traoré ayaa maanta qaabilay wasiirka amniga dowladda FS Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta calaaqaadka dhinaca amniga, la dagaallanka argagixisada.

Fartaag ayaa Kabtan Traoré u gudobiyey farriin rasmi ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

” Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga” ayuu yiri wasiir Fartaag.

Burkina Faso iyo Soomaaliya waxay wadaagaan caqabado isku mid ah oo la xiriira la dagaalanka argagixisada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip