Cutubyo ka tirsan Guutada 33-aad ee Kumaandooska Gorgor oo maanta lagu dhaariyey Muqdisho
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Sahal Cabdulahi Cumar oo uu wehliyo Taliyaha Howlgalka Turksom Gen Sabhadiin Kalkaan ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ugu qeyb Munaasabada dhaarinta Guutada 33'aad ee Kumaan Dooska GorGor,

Munaasabaddan oo aheyd mid muhiim u ah horumarinta iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Gen Sahal Cabdulahi Cumar Taliyaha Ciidanka dhulka XDS ayaa Ciidamada la dhaariyay kula dardaarmay Ka dhabeynta dhaarta ey Maanta mareen.
Geesta kale Taliyaha ayaa Ciidamada cusub kula dardaarmay in ay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka, isagoo ku booriyay in ay noqdaan kuwo leh anshax, karti iyo daacadnimo, si ay uga qeyb qaataan difaaca iyo xasilloonida dalka.
Gen Sabhadiin Kalkaan Taliyaha Hawgalka Turksom ayaa dhankiisa Ciidamada kula dardaarmay in ay ka soo faaiidatstaan Tababarka ay u aadayaan Dalka Turkiga
Dhiigan cusub ee ku so biiraya Ciidanka XDS ayaa qeyb ka noqonaya Difaaca Dalka .

0 