
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Ka Qaybgalay Madal Lagu Xoojinayo Ka-hortagga Xagjirnimada iyo Amniga Dalka
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay Madasha Isku Xirka Hawlaha Ka-hortagga Fikirka Xagjirka ah ee ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN, taas oo uu shir guddoominayay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta ay la leedahay Xarunta TUBSAN iyo hay’adaha kale ee dowladda, si loo mideeyo dadaallada ka-hortagga fikirka xagjirka ah iyo la-dagaallanka argagixisada, loona xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni dalka ka hanaqaadda.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xoojineysa muhiimadda ay leedahay taageeridda dadka ka soo baxa kooxaha argagixisada, iyo xoojinta adeegyada dhaqancelinta iyo d
Is- dhexgalka bulshada, si looga hortago in kooxahaasi dib u adeegsadaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Xarunta TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha amniga, ururrada bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada caalamka.








0 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Ka Qaybgalay Madal Lagu Xoojinayo Ka-hortagga Xagjirnimada iyo Amniga Dalka
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay Madasha Isku Xirka Hawlaha Ka-hortagga Fikirka Xagjirka ah ee ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN, taas oo uu shir guddoominayay Ra'iisul Wa