
Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa galabta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay 120 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Cutubka Daraawiishta Booliska.
Wasiirka ayaa bogaadiyey askarta qalin-jabisay, isaga oo ku ammaanay dadaalka, dulqaadka, iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii uu socday tababarku, wuxuuna xusay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda qaran ee ilaalinta amniga, kala dambeynta, iyo badqabka muwaadiniinta.











0 

Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa galabta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay 120 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Cutubka Da