Ciidanka Xoogga Dalka oo Xoreeyay Xawaadley

0
Thursday March 12, 2026 - 02:14:18 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 8
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo Xoreeyay Xawaadley

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ay ugu dhuumaalaysanaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ay ugu dhuumaalaysanaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Khawaarijtu ka dhigtaan gabaad. Intii uu socday howlgalka, waxaa la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay maleeshiyaadku isticmaali jireen.

Ciidamada Qaranka ayaa hadda ku howlan xaqiijinta amniga deegaanka, waxaana socda hawlo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS ayaa mar kale adkaynaya in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojin doono, si loo xaqiijiyo amniga shacabka, loona ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabaad ka dhigtaan.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip