Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xidiga kubadda cagta ee Afrika

0
Wednesday May 28, 2025 - 18:46:19 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xidiga kubadda cagta ee Afrika

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto'o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto'o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.


Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip