
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Wakiillo ka Socda ICRC
Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay saraakiil sare oo ka socday Hay'adda Caalamiga ah ee (ICRC), kuwaas oo uu hoggaaminayay Antoine Grand, una wehliyay Maxamed Ibraahim Nuur iyo Daniel Zougari.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo ICRC, iyada oo labada dhinac ay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaadi’da bini’aadantinimo iyo kordhinta wada-shaqaynta xilliyada hawlgallada milatari.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay ICRC dadaallada ay ka wadaan gudaha dalka, gaar ahaan gar-gaarka ay siiyaan dadka ay saameeyeen colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo. Dhankiisa, Antoine Grand ayaa muujiyay sida ICRC ugu heelan tahay inay sii waddo wada-shaqeynta ay la leedahay hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada xilliyada dagaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Wakiillo ka Socda ICRC
Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay saraakiil sare oo ka socday Hay'adda Caalamiga ah ee (ICRC), kuwaas oo uu hoggaaminayay Antoine Grand, una wehliyay