
Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca Qaranka
Wasiir Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay in argagixisada looga guuleysto dagaalka warbaahinta. Waxaa uu wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay warbaahin hufan oo kaalin firfircoon ka qaadata dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan. Waxaa uu intaasi raaciyey Fiqi "Runta iyo xaqiiqada sida xirfadda leh loo soo bandhigo ayaa ah hubka ugu culus ee aan kaga adkaan karno fikirka gurracan ee Khawaarijta.” Wuxuu hoosta ka xarriiqay in istiraatiijiyad warbaahineed oo qoto dheer ay lagama maarmaan u tahay soo bandhigidda hawlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo guulaha laga gaarayo halganka, taasoo sare u qaadaysa niyadda askariga Soomaaliyeed iyo kalsoonida shacabka.
Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay barteen u adeegsadaan sidii ay shacabka ugu gudbin lahaayeen xaqiiqooyinka dhabta ah, una wiiqi lahaayeen dacaayadaha cadowga, isagoo farta ku fiiqay, "Xusuusnow, niyadda, qiimaha iyo cududda askarigeennu waxay si toos ah ugu xiran tahay sida aan u qiimeyno una sawirno.” Wuxuu ku boorriyay inay mar walba garab istaagaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee halganka adag kula jira argagixisada, iyagoo kor u qaadaya sharafta iyo qiimaha geesiyaasha naftooda u huraya difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca Qaranka
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa si rasmi ah Xarunta Warbaahinta ee Wasaaradda ugu soo xir