Tababar heer sare ah oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan Daraawiishta iyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Boliiska

0
Sunday April 13, 2025 - 19:25:09 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar heer sare ah oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan Daraawiishta iyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Boliiska

    Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xiray tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan Daraawiishta iyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Boliiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xiray tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan Daraawiishta iyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Boliiska.

Tababarkan oo socday muddo, ayaa waxaa bixiyay khubarro ka tirsan Midowga Yurub (EUCAP Somalia), waxaana diiradda lagu saaray kor u qaadista awoodda hoggaaminta, howlgalinta, iyo tayeynta hannaanka Qorshaynta ee Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday EUCAP Somalia, gaar ahaan saraakiisha kala ah Kęstutis Lančinskas madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia iyo Jan Pirouz Poulsen, Madaxa Boliis unit Ka Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada EUCAP Somalia ee ku aaddan horumarinta Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed iyo guur ahaanba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jira kobcinta xirfadaha hoggaamineed iyo tayada howlgalka si ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, kana qeyb qaataan sugidda amniga guud ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip