Tariikh Nololeedkii AUN Taliyihii Hore Ee Qeybta 60-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow.

0
Monday December 05, 2022 - 21:40:11 in Maqaallo by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tariikh Nololeedkii AUN Taliyihii Hore Ee Qeybta 60-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow.

    Allaah U Naxariistee S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose Sanadkii 1964-kii, waxa uu ku soo barbaaray oo uu qur'aanka kariimka ku soo bartay Degmada Afgooye sidoo kale waxa uu waxbarashadiisa aasaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah U Naxariistee S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose Sanadkii 1964-kii, waxa uu ku soo barbaaray oo uu qur'aanka kariimka ku soo bartay Degmada Afgooye sidoo kale waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga iyo tan dugsiga saraba ku qaatay Dugsii Lafoole.

Sanadihii 1981-kiiwaxa uu tababar ciidan u galay kulliyadda Tababarka Ciidamada Leyli Saraakiisha ee Jaalle Siyaad ee xarunteedu ahayd Magaalada Muqdisho waxa uuna ka qalin jabiyay Sanadkii 1983-kii, waxaa loo dalacsiiyay Darajada Xidigle.

Sanadkii 1983-kii, waxaa loo badalay oo Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada Shanaad ee B/weyne muddo ka dibna waxaa loo badalay Guutada 10-aad ee ka howlgali jirtay iyaduna B/weyne, waxaana Taliye Horin loogu magcaabay cutub ka tirsanaa Ururka 143-aad.

Sanadkii 1984-kiiwaxa loo magcaabay Abaanduulaha Ururka 144-aad sanad ka dibna waxa uu noqday Taliyaha Ururka 144-aad.

Sanadkii 1989-kiiwaxaa loo dalacsiiyay darajada G/dhexe dabayaaqadii sanadkaasina waxaa loo magcaabay Taliyaha Guutada 38-aad ee Gaaska Shanaad ee fadhigiisu ahaa Ceel-gaal.

Sanadkii 1991-kii wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo askartii uu saameeyay burburkii ka dhacay guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2000 markii ay dalka ka curatay dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Mudane Dr C/qaasim Salaad Xasan ee dib loo yagleelay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa Abaanduul looga dhigay Guutada 6-aad ee Kumaandoosta Danab ee Saldhigoodu ahaa Dugsiga Tababarka Ciidamada Kumaandoosta Kaba Herig iyo Xeradii Laanta Buure.

Sanadkii 2007-diibishii janaayo waxaa loo magcaabay Taliyihii keydka hubka risaasta iyo shidaalka ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sanadkii 2007-diiwaxaa loo magcaabay Taliyihii Ururka Seddexaad ee kooxaha argagixisada ka saray magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ilaa iyo Sanadkii 2012-kii ayuu taliye ka ahaa.

5/5/Sanadkii 2012-kiiwaxaa loo magcaabay Taliyaha Guutada Lixaad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed isla Sanadkaasina waxaa loo dalacsiiyay Darajada S/guuto.

Sanadkii 2013-kii waxaa loo magcaabay Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sanadkii 2015-kiiwaxaa loo magcaabay Madaxa Hoggaanka Sahanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sanadkii 2017-kii waxaa mar labaad dib loogu magcaabay inuu noqdo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Rabi Naxariistii Janno ha ka waraabiyo S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow, wuxuu ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh.

Saraakiishii ay soo wada shaqeeyeen waxay ii sheegeen inuu ahaa shakhsi Soomaali-nimadu ay ku weyn tahay misana waddani ahaa xaalado adagna dalka ugu soo shaqeeyay, deegaanno badanna ka xorreeyay, cadawga ayadoo si aad ah loogu xusuusto dagaalkii kooxaha argagixsiada looga saaray Caasimadda Muqdisho, Sanadkii 2011-kii, iyo howlgalladii i lagaga xoreynayay kooxaha ardgagixisada Gobolada Sh/Hoose, Bay iyo Bakool.

Allaah U Naxariistee Janaraal S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow, maalmo kooban ayuu ku xanuunsanaa gudaha dalka waxa uu ku geeriyooyaday Magaalada Muqdisho 03-12-2022-kii waxa uu ifka kaga tagay sagaal caruur ah oo ka kooban gabdho iyo wiilal waxaan ilaah u ga baryeynaa inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo eheladii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed..

 

W/Qoray Oo Soo UruriyayTaariikhdaasi Tifaftiraha Idaacadda Sna Radio, Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British).

Fadlan Ilaali Xuquuqda Qoraaga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip