Wasaaradda aminiga oo ku baaqday in aan guryaha laga kireynin Al-Shabaab

0
Tuesday August 18, 2015 - 16:29:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda aminiga oo ku baaqday in aan guryaha laga kireynin Al-Shabaab

    Wasaaradda amniga gudaha ayaa ka digtay in shacabku ay guryahooda ka kireeyaan dad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, si ammaanka loo adkeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda amniga gudaha ayaa ka digtay in shacabku ay guryahooda ka kireeyaan dad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, si ammaanka loo adkeeyo.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Maxamuud, ayaa sheegay in loo baahan yahay in saldhigyada booliska lagu wargeliyo qofkii laga kireynayo guri, si loola socdo dadka degaya xaafadaha, tallaabadaasi oo keeneysa in la ogaado kuwa doonaya inay ammaanka carqaladeeyaan.

"Milkiilaha guriga iska leh marka uu doonayo inuu qof ka kireeyo gurigiisa waa inuu tagaa xarunta degmada, oo ay la socdaan masuuliyiinta degmada iyo saldhigga ciidankuba” ayuu Yiri Maxamed Yuusuf.

Wuxuu intaa ku daray in dowladdu ay la wareegi doonto guryaha qaraxyada laga soo abaabulo ama laga helo, ayadoo dadka deggana aysan ogeyn laamaha ammaanku.

"Nidaamkaas adigoo maray haddii gurigaaga uu wax ku sameeyo qofkii kireystay, laguuma haysto, laakin haddii aad qariso oo aadna soo ogeysiin degmada, misna qarax laga fuliyo ama laga helo, waa lala wareegayaa guriga” ayuu sii raaciyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip