Ciidanka Kumaandooska Xds ee Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellada hoose, kaas oo lagu beegsaday malleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Hawlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo kooxda Khawaarijtu u adeegsan jirtay in ay isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, si ay u gudbiyaan saanad, una fuliyaan falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah.
Sidoo kale, hawlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahayd deegaankaas, kuwaas oo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo Khawaarijtu u adeegsanayeen gabbaad iyo kaydinta hubka.