
Horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta oo maanta la xukumay By Aadan Sooyaal Last updated: June 5, 2025 1 Min Read
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xabsi daa'in ku ridday Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud "Daqarre", ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray in ay ku biiraan kooxaha nabad-diidka iyo marin habaabin carruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.
Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo sargaal xigeen ka ahaa ciidanka xoogga dalka ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray khawaarijta, kadib tashkiilinta abtigiis Cabdisalaan Daqarre oo hooyadii la ahaa ilmo adeer.
Eedeysane Wadne ayaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta caasimada gawaarida qaraxyada lagu diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada ciidamada amniga, iyagoo xitaa raran, madaama uu heystay aqoonsi ciidan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare xabsi daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne), isna lagu xukumay afar sano oo xabsi argagaxiso ah, sida uu warbaahinta u sheegay gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.
Horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta oo maanta la xukumay By Aadan Sooyaal Last updated: June 5, 2025 1 Min Read
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xabsi daa'in ku ridday Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud "Daqarre", ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray in ay ku biiraan koo