
Wasaaradda gaashaandhiga oo ka warbixisay howlgal lagu naafeeyey Khawaarijta
Wasiir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid si guul leh loo fulay, isla markaana lagu qabtay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in howlgalkaas lagu guuleystay in si buuxda gacanta loogu dhigo hub aad u badan, taas oo ka dhigan guul muhiim ah oo dhinaca amniga ah.
"Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (CXD) iyo kuwa AUSSOM ee qeyb ka ah duulaanka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, waxa ay muujiyeen geesinimo iyo xirfad aad u sarreysa. Hawlgalka Duufaanta Aamusan waa mid ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee lagu doonayo in dalka looga xoreeyo Khawaarijta," ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.
Waxa uu sidoo kale ku booriyay in ciidamadu ay sii wadaan dadaalkooda, isagoo xusay in taageerada bulshada iyo wadajirka ciidamada Xoogga Dalka, AUSSOM iyo shacabka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay guulaha socda.
Wasiir Cumar Cali Cabdi ayaa ugu dambeyntii sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay si buuxda u taageerayso howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka, isagoo uga mahadceliyey c shacabka taageerada ay u muujiyeen ciidamada.
Wasaaradda gaashaandhiga oo ka warbixisay howlgal lagu naafeeyey Khawaarijta
Wasiirka Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta faahfaahin ka bixiyey howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Gobol