Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Degaanka Oo Jab Xooggan Ku Gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Ceel-Hareeri.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Degaanka ayaa maanta guul ka gaaray weerar arbushaad ah oo ay Khawaarijtu ku soo qaadeen deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa degaanka Ceel-hareeri kusoo weeraray gaari waxyaabaha qarxa ay kusoo rareen balse geesiyaasha degaanka iyo xoogga dalka ayaa si geesinimo leh uga hortagay cadowga una horseeday khasaare baaxad leh. Gudoomiyaha Moqokori Maxamed Cabdi Macoow ayaa xaqiijiyay in meydadka Khawaarijta ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay, halka firxadkoodana lagu sii baacsaday deegaannada ku dhow degaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.