Taliyaha ciidanka XDS oo kulan la qaatay taliyaha hawlgalka tababarka EU ee Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas ibarahim Maxamed maxamuud ayaa kulan la qaatay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Sarreeye Guuto Ivan Falasca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca tababarka milatariga, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha askarta iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sare u qaadista tayada tababarrada si loo dhiso ciidan qaran oo xirfad leh, diyaarsan, kana jawaabi kara waajibaadka amni ee dalka.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo taageerada lagu horumarinayo tayada, kartida iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

0 