Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Howgallada Wadajirka ah, S/Gaas Maxamed Cali Bariise ayaa furay kulan looga arinsanayo diyaar garoowga saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha Ellino.

0
Wednesday October 21, 2026 - 21:00:02 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Howgallada Wadajirka ah, S/Gaas Maxamed Cali Bariise ayaa furay kulan looga arinsanayo diyaar garoowga saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha Ellino.

    Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cimic G/sare iiman Maxamuud Cali Ayaa waxaa Ka Soo Qayb-galay Gudoomiyaha Hay'ad SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle 'Agaasimaha Guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cimic G/sare iiman Maxamuud Cali Ayaa waxaa Ka Soo Qayb-galay Gudoomiyaha Hay'ad SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle 'Agaasimaha Guud Wassaaradda Arimaha Gudah Abdulkadir Cilmi Cali , Gudoomiyaal , Gudoomiye Ku-xigeeno , Xog-hayaasha Degmooyinka ay saamayn karaan fatahaadaha Ellino iyo Qaar kamida Taliyaasha Colalka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed Ee Ka Howlgala Deeganada Laga Cabsi Qabo ineey Fatahaadu Saamayso.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaabka ay wada-jir ugu shaqayn karaan maamulada deegaanada ,Hay'adaha samata bixinta iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaalin muuqata ku leh samata bixinta dadka rayidka ah ee saamaynta ugu badan ay ku yeelan karto fatahaadaha ellino ee laga cabsi qabo ineey dhacaan bilaha soo-socda.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu gacan xooggan ku yeesho Howlgaladda samat-bixinta shacbka, wax ka qabashada baahiyaadka dadka rayidka ee laga yaabo ineey fatahaaduhu ku sababaan Barakaca, iyo ka hortagga saamaynta cadawgu ku badin karo qasaaraha fataahaddaha laga cabsi qabo ineey dhacaan.



May be an image of one or more people and text
May be an image of newsroom, dais and text
May be an image of one or more people, dais, newsroom and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip