
Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.






Kulanka, oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha.
Booqashada wafdiga ayaa daba socota booqashadii Wasiir Fiqi uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, xilligaas oo ay labada dal kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiirka ayaa bogaadiyey xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal uu taageero mudnaanta qaranka ee dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.









0 

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Mar