Wasiir Fiqi oo ka qaybgalay Bandhigga 4-aad ee difaaca Masar (EDEX 2025)

0
Wednesday December 03, 2025 - 22:38:51 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo ka qaybgalay Bandhigga 4-aad ee difaaca Masar (EDEX 2025)

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo kale, ayaa ka qeyb galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Dif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo kale, ayaa ka qeyb galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025). Bandhiggan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa ka dhacaya Xarunta Carwada Caalamiga ah ee Masar (EIEC) ee magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa si rasmi ah u daah-furay bandhigga, waxaana ka soo qeyb galaya wufuud ka kala socota in ka badan 100 dowladood, iyo in ka badan 450 shirkadood oo ka mid ah hormuudka soo-saarka difaaca iyo amniga caalamka. Waa bandhigga keliya ee daboola labada gobol ee Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana lagu soo bandhigayaa tignoolajiyad iyo qalab casri ah oo dhanka difaaca iyo amniga ah.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa inta uu socdo bandhiggu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb galaysa Bandhigga 4-aad ee Difaaca Masar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip