Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan ka fulisay tuulada Gaalware, oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta AS, iyadoo la khaarijiyay in ka badan 25 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare oo muhiim u ahaa abaabulka iyo weerarrada kooxda.
Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub farabadan oo ay Khawaarijtu adeegsanayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG (Dabajeex), iyo 17 qori oo AK-47 ah. Sidoo kale, waxaa halkaasi lagu burburiyay xarumo iyo qorshayaal dhagar ah oo ay kooxdaasi halkaas ku diyaarinayeen.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wadi doona hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta si guud ahaan gobolka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah nabadda iyo horumarka dalka.