Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan ka fulisay tuulada Gaalware, oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta AS, iyadoo la khaarijiyay in ka badan 25 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare oo muhiim u ahaa abaabulka iyo weerarrada kooxda.