Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin Cali ayaa tababar usoo xiray cutub katirsan Ururka Caafimaadka Xoogga Dalka.

0
Wednesday June 09, 2021 - 20:18:04 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin Cali ayaa tababar usoo xiray cutub katirsan Ururka Caafimaadka Xoogga Dalka.

    Munaasabadan oo aheyd mid si heersara ah loo soo agaasimaya isla markaana ay ka qeyb galeen Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cabaas Amiin Cali Taliye ku xigeenka Hoggaanka Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare C/lla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan oo aheyd mid si heersara ah loo soo agaasimaya isla markaana ay ka qeyb galeen Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cabaas Amiin Cali Taliye ku xigeenka Hoggaanka Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Yuusuf Cabdullle, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, iyo marti sharaf kale.
Ciidankan ayaa muddo 30 cisho ah qaadanayay tababar la xiriira maadooyinka kala duwan ee lagu barto duruusta ciidanka xoogga dalka, ku waasi oo wax badan ka fahmay hannaanka ay ku socotay qaabkii ay casharada ku qaadanayeen iyo habka wanaagsan oo ay macalimiinta u fahamsiinayeen duruusta.
Taliyaha Ururka 62-aad ee caafimaadka xoogga dalka soomaaliyeed Gaashaanle Maxamed Shidane Culusow ayaa ugu horeyn ka warbixiyay askarta tababarka maanta loogu soo xeray xarunta taliskaasi.


Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cabaas Amiin Cali oo ka hadlay goobta ay munaasabada ka socotay ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ka fogaadaan wax waliba oo dib u dhac u kenikara qaranimada waxa uuna tilmaamay inuu tababarkani qeyb weyn ka qaadanayo dhismaha ciidanka wuxuuna kula dar daarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’iideeyaan saaxiibadooda kale ee aan fursada u helin iney tababrkaasi qaataan…Cod…
Askarta  tababarka loo soo xiray ayaa gaba gabadii munaasabada la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaysa waxyaabaha ay barteen.

Quruxda Iyo Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waa Furaha Xasiloonida Iyo Amaanka Dalkeena, taa soo ay mudantahay in la bogaadiyo talaabooyinka la qaaday ee tayaynta iyo sare Uqaadida, Nolosha, maskaxda ciidanka iyo wax kabadalka hab dhaqanka ciidanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip