Qaramada Midoowe oo putland ugu baaqdey in ay dhaqan celin u sameyso maleyshiyaadka ay kusoo qabteen dagaalka

0
Sunday March 27, 2016 - 13:17:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoowe oo putland ugu baaqdey in ay dhaqan celin u sameyso maleyshiyaadka ay kusoo qabteen dagaalka

    Wakiilka Q,M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Michael Keating oo ka hadlayay dhalinyarada ka tirsanaa Al-Shabab ee ay Puntland ku qabatay dagaalkii ka dhacay dhawaan gobolada Mudug iyo Nuugaal ayaa codsaday in loola dhaqmo si waafaqsan xeerka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Q,M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Michael Keating oo ka hadlayay dhalinyarada ka tirsanaa Al-Shabab ee ay Puntland ku qabatay dagaalkii ka dhacay dhawaan gobolada Mudug iyo Nuugaal ayaa codsaday in loola dhaqmo si waafaqsan xeerka caalamiga ah ee dhawrista xaquuqda Caruurta.

Danjire Michael Keating waxaa uu sheegay in dhalinyarada la qabtay oo caruur u badan ay u baahan yihiin inay helaan adeegyo aas aasi ah sida dhaqan celin iyo in la daryeelo sida uu yiri.

"Caruurtaan Al-Shabab ka tirsan waxay u baahanyihiin inay helaan adeegyo muhiim ah oo sahlaya in la dhaqan celiyo si ay dib ula midoobaan eheladooda” ayuu yiri Keating oo ah wakiilka Q,M ee Soomaaliya.

Wakiilka Q,M ayaa waxa uu ka Hadley u jeeda al-shabaab ay u askareynayaan caruurta yar yar waxa uuna ku tilmaamay kooxda al-shabaab in ay kasoo hor jeedo horumarka dalka soomaaliya

Sidoo kale Danjire Michael Keating ayaa sheegey al-shabaab inay caruur yar yar u adeegsadaan dagaalka oo ay geeyaan furumo dagaal kadibna ay dhibaato soo gaarto.

Wakiilka Q,M waxaa uu Maamulka Puntland weydiistay inaysan ku Xad gudbin xeerarka caalamiga ah ee xaquuqda caruurta ee ay Soomaaliya saxiixday sanadkii hore.

 

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa warbaahinta maalmahaan usoo bandhigayay maxaabiis caruur u badan oo ay ka qabteen dagaalamayaal Maleyshiyaadkii habowga ahaa ee Al-Shabab ka tirsan oo gobolada maamuladaas tagay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip