Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Madax ka tirsan Masar iyo Shirkii Saaxil iyo Saxaraha oo la soo xiray.

0
Sunday March 27, 2016 - 09:59:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Madax ka tirsan Masar iyo Shirkii Saaxil iyo Saxaraha oo la soo xiray.

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudne Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa soo gaba-gabeeyey booqasho shaqo oo 4 maalmood qaadatay oo uu ka joogay dalka Masar, taasi oo uu kaga qaybgelayey shirka dalalka Isutagga Saaxil iyo Saxaraha oo ka dhacay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudne Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa soo gaba-gabeeyey booqasho shaqo oo 4 maalmood qaadatay oo uu ka joogay dalka Masar, taasi oo uu kaga qaybgelayey shirka dalalka Isutagga Saaxil iyo Saxaraha oo ka dhacay dalkaasi.

Intii shirkan socday Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulamo la qaatay wasiiro dhiggiisa ah oo ka socday dalalaka Saaxil iyo Saxahara, oo uu ugu horreeyo dhiggiisa Masar Sadqi Subxi iyo Taliyaha Ciidamada Masar Maxamuud Hagaasi.

Bayaan laga sooray shirka dalalka Saaxil iyo Saxaraha, ayaa lagu caddeeyey dhismaha xarun dhexe oo isku dubbaridda hawlaha la dagaallanka argagaxisada, oo saldhigna looga dhigayo waddanka Masar. Sidoo kale, waxaa dalalku ku heshiiyeen dhismha Gole Wasiirro oo rigli ah oo qaabilsan nabadda iyo ammaanka mandiqaddan.

Ugu danbayntii, munaasibad hadimo sharafeed ah oo lagu soo gunaanadayey shirkan dalalka Saaxil iyo Saxaraha, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdifataax Siisi, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Siisi ay is-arag gaar ah yeesheen, isla markaana ay ka wada hadleen waxyaabihii ugu danbeeyey arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

 

----DHAMMAAD---




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip