Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid wasiirkii hore ee caafimaadka Dr Aadan Xaaji Ibraahim

0
Saturday March 26, 2016 - 20:00:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid wasiirkii hore ee caafimaadka Dr Aadan Xaaji Ibraahim

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ahaa wasiirkii caafimaadka xilliyadii xukuumadihii k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ahaa wasiirkii caafimaadka xilliyadii xukuumadihii ku meel gaarka.

"Innaa Lillahi wa inaa Ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim la wadaagaya qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahayna ha ka abaal mariyo wanaaggii iyo shaqadii uu qaranka u soo qabtey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

?





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip