Taariikhda Kooban Ee Gen Asad Cismaan C/llaahi Tr:-26/09/2024-ka.

0
Friday September 27, 2024 - 16:03:28 in Maqaallo by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taariikhda Kooban Ee Gen Asad Cismaan C/llaahi Tr:-26/09/2024-ka.

    Gen Asad Cismaan Cabdullaahi waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed 25kii Janaayo Sanadkii 1983-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gen Asad Cismaan Cabdullaahi waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed 25kii Janaayo Sanadkii 1983-kii.
Waxa uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho, oo uu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay halka waxbarashada dugsiga sare uu ku dhammaystay dugsiga sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo ee Maamul Goboleedka Puntland.

Waxbarashadiisii dugsiga sare ka dib Sanadkii 2003dii, waxa uu waxbarasho u aaday jaamacadda Osmania ee dalka India oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Bachelor degree of Science Information Technology Sannadkii xigay, wuxuu ka qaatay shahaadada Master of Arts ee Xiriirka Caalamiga ah Jaamacadda Sikkim Manipa.


Gen Asad Cismaan Cabdullaahi waxa kale oo uu bartay maamulka iyo maaraynta, siyaasadda iyo istaraatiijiyadda, iyo sirdoonka ciidanka marka laga reebo koorsooyinkiisa caadiga ahaa wuxuu ku hadlaa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Gen Asad Cismaan Cabdullaahi markii uu ka soo laabtay waxbarashadii uu ku tagay dalka dibadiisa, Dabayaaqadii Sanadkii 2006-dii ayuu ka mid noqday ciidamada PSF-ta muddo ka dib Sanadkii 2010-kii waxaa loo magcaabay Agaasimaha guud ee Hay’adda Ciidamada PSF, isagoo xilkaasi hayay ilaa Bishii December Sanadkii 2018-kii, waxaa kale oo uu soo noqday la taliye sare oo dhanka ammaanka ah ee Dowlad Goboleed Puntland.

Sidoo kale wuxuu dowladda Mareykanka kala soo shaqeeyay la dagaalanka kooxaha argagixisada xilligaasoo uu hoggaaminayay ciidamad PSF ee sida gaarka ah u tababaran, ayadoo Maamul Goboleedka Puntland ay dagaallo ba’an kula jirtay kooxaha argagixisada oo xoog ku lahaa buuraha Calmadow ee ku teedsan gobollada Bari iyo Sanaag sidoo kale inta uu hoggaaminayay ciidamada PSF, waxay dagaallo kooxaha argagixisada kula dagaallameen xeebaha Mudug iyo Nugaal.

Ninkan horrey looma aqoon wajigiisa intii uu hoggaaminayay Ciidamada PSF oo uu taageero Maraykanka balse wuxuu ka soo muuqday warbaahinta Sanadkii 2018-kii markaas oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Puntland.
 
Sanadkii 2019-kii wuxuu ka mid ahaa madaxda iyo asaasayashii Xisbiga Mideeye oo ka mida kuwa ugu tunka weyn ee galay doorashadii ka dhacday maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland wuxuu u tartamay xilka madaxweynaha, balse waxaa laba cod kaga adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni.

Sanadkii 2024-tii wuxuu mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, waxaa mar kale ka adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni.

26-09-2024-ka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee ku aadaneyd magcaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana loo magcaabay S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Dadka aqoonta u leh Gen Asad Cismaan Cabdullaahi waxay sheegeen inuu yahay sarkaal waaya aragnimo u leh dhinaca ammaanka muddo 14 sano ahna ka shaqeynayay arrimaha ciidamada, xilligan la joogana uu yahay qofkii loo baahnaa, maaddaama dowladda federalka dagaal adag ay kula jirto kooxaha argagixisada isaguna uu waayo aragnimo u leeyahay la dagaallanka argagixisada.

Maadaama Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed mudooyinkan dambe ay sameynayeen horumar wanaagsan sida ay sheegeen bulashada soomaaliyeed iyo hay’addaha caalamiga ee ay wada shaqeeyaan, lana doonayo iney si wanaagsan isu dhex-galaan bulshada, taliyaha cusubna uu yahay nin isu keeni kara dhamaan.
W/Qoray Oo Soo Diyaariyay Tifaftiraha Guud Ee Sna Radio, Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip