Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0
Monday January 22, 2024 - 21:05:09 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

    Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareekanka ayaa ka dhacay deegaan 45km waqooyi berri ka began magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa lagu dilay illaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo Qatar iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip