Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjooge iyo Maleshiyaad ka tirsan khawaarijta

0
Monday November 20, 2023 - 15:54:36 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjooge iyo Maleshiyaad ka tirsan khawaarijta

    Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere ku dilay Horjooge iyo Maleeyshiyaad la Socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere ku dilay Horjooge iyo Maleeyshiyaad la Socday.

Taliyaha ururka saddexaad Dhamme Cali Cageey oo la hadlay warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidanka howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen Tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyada khawaarijta iyo Horjoogihii hoggaaminayay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay khawaarijtu ka furteen Hub iyo saanad ciidan,goobta howlgalka ka dhacayna ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Ciidanka Qaranka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeysay howlgallo ka waday deegaannada ay ku dhuumaleysanayaan khawaarijta,oo hadda maray burbur iyo in ay kala carraraan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip