Madaxda Wasaaradaha Amniga iyo Howlaha Guud oo la shiray Taliska ciidanka Booliska

0
Monday May 22, 2023 - 21:39:31 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Wasaaradaha Amniga iyo Howlaha Guud oo la shiray Taliska ciidanka Booliska

    Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir-Dowlaha Wasaraadda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, Xafiiska Amniga Qaranka iyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, ayaa maanta Ciidanka Booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir-Dowlaha Wasaraadda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, Xafiiska Amniga Qaranka iyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, ayaa maanta Ciidanka Booliska kula shiray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa ujeeddadiisu aheyd dardargelinta Qorshaha Xasilinta, Dib u habeynta Ciidanka Booliska iyo Dhismaha Xarumaha Ciidanka Booliska ee dhawaan la xoreeyay.

Intii uu shirku socday, ayaa warbixin looga dhagestay farsamo yaqaannada Booliska, Xafiiska Amniga Qaran iyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed si loo horumariyo loona casriyeeyo adeegga dadweynaha ee Ciidanka Booliska siiyo Ummadda guud ahaan Dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, jaangoynta baahiyaha, Caqabadaha iyo Xalkooda ayaa lagu soo gabagabeeyay kulanka. Iyada oo kulamadu sii socon doonaa si adeeg hufan waqtiga ugu dhaqsiyaha badan dadka loo gaarsiiyo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip