Ra'iisul Wasaare Xamse "Hadafka Xukuumaddu waa in Muqdisho laga dhigo Caasimadda Afrika ugu amniga fiican"

0
Thursday May 18, 2023 - 20:59:23 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamse "Hadafka Xukuumaddu waa in Muqdisho laga dhigo Caasimadda Afrika ugu amniga fiican"

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.

Ra’sul Wasaaraha oo guddoomiyey shirka amniga caasimada, kaas oo looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho ayaa intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in guulaha la gaarey ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip