
Khawaarijta Al-shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaanka Jannaay Cabdalla ee gobolka Jubadda hoose.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa doowlad goboleedka Jubbaland ayaa kahortagay weerar fulaynimo ah oo ay maleeyshiyaadka khawaarijta Al-Shabaab saakay kusoo qaadeen saldhig ay ciidamaddu ku leeyihiin deganka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 60 km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka jubada hoose.
Taliyaha qeybta 43-aad ciidanka xds Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa warbaahinta C.Q.S u sheegay in khawaarijta laga dilay kudhawaad 20 dhagarqabe islamarkaasna meeydadkooda ay uga carareen goobta.
Hadafka kooxda oo ahaa qabsashada deegaanka Jannaay Cabdalla ayaa waxaa quus gooyey ciidanka naftood hurayaasha ah, kuwaas oo hadda ku raadjooga firxadka khawaarijta.
Khawaarijta Al-shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaanka Jannaay Cabdalla ee gobolka Jubadda hoose.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa doowlad goboleedka Jubbaland ayaa kahortagay weerar fulaynimo ah oo ay maleeyshiyaadka khawaarijta Al-Shabaab saakay kusoo qaadeen saldhig ay ciidamaddu ku leeyihiin deganka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 60 km u jira ma