Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Awqaafta oo sheegay in khawaarijtu ay gaajo ugu dhimanayaan keymaha

0
Tuesday February 28, 2023 - 12:45:15 in Wararka by Abdiwahid gedi
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Awqaafta oo sheegay in khawaarijtu ay gaajo ugu dhimanayaan keymaha

    Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegey in guulaha ay dagaalka ka gaarayaan ciidanka xoogga dalka iyo shacabka ay sababtay in Khawaariijtu ay naftoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegey in guulaha ay dagaalka ka gaarayaan ciidanka xoogga dalka iyo shacabka ay sababtay in Khawaariijtu ay naftooda ula cararaan duurka fog oo gaajo iyo harraad ay ugu dhintaan.

Mudane, Yaxye ayaa intaasi ku daray in khawaarijtu ay markii hore gabbaad ka dhigan jireen shacabka, iyaga oo dhac , boob iyo dhibaatayn joogto ah ku hayay dadka masaakiinta ah, taas oo sababtay in shacabku ka hor yimaadaan isla markaana ay waayaan meel ay ku dhuuntaan.

Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa dowladda Soomaaliyeed usoo jeediyay in la dejiyo qorshihii loo wajihi lahaa godadka iyo dhufeysyada ay khawaarijtu ka samaysteen keymaha dhexdooda maaddaama looga adkaaday weerarrada tooska ah.

Wuxuu ku taliyay in loo diyaariyo qorshe ballaaran, iyadoo la kaashanaya qubaro ku xeeldheer dagaalka godadka ee howdka si loo yareeyo qasaaraha ka iman kara, isagoo tilmaamay in haddii la fududeysto ay suurto gal tahay inay iska soo abaabulaan keymaha iyo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.

Ciidanka XDS iyo dadka deegaanka ayaa in dhowaalaba firxadka Khawaarijta ugu dhaadhacayay godad dhaadheer oo ay ka qoteen dhulka howdka ah ee Galmudug iyo Hirshabeelle, markii looga awood roonaaday dagaalka tooska ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip