Duqa Muqdisho oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidankii rasaasta ku furay Guddoomiyaha Yaaqshiid.

0
Tuesday February 28, 2023 - 12:38:29 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidankii rasaasta ku furay Guddoomiyaha Yaaqshiid.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in xabsiga la dhigay oo sharciga la horkeeni doono ciidankii ku qornaa Isgooska Siinaay ee rasaasta ku furay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in xabsiga la dhigay oo sharciga la horkeeni doono ciidankii ku qornaa Isgooska Siinaay ee rasaasta ku furay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Sulaymaan Faarax oo dhaawac soo gaaray.

Mudane, Madaale oo warbaahinta kula hadlay halkii ay shaqaaqadu ka dhacday ee isgoyska Siinaay ayaa intaa ku daray in xubnaha ay u qabteen falka sababay dhimashada iyo dhaawaca ay ku wareejiyeen laamihii u xilsaarnaa ee baarista iyagana ay ka war sugayaan.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa tacsi u diray shacabkii iyo ciidankii ku waxyeelloobay is rasaasayntii ka dhacday halkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip