
Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaariijta
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool, waxay ku dileen laba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al- Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Khawaarijta u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka.
Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed.
Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaariijta
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool, waxay ku dileen laba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al- Sh