Bukaanada ku jira Isbitaalka Xoogga oo maanta la gaarsiiyay Deeq xoolo, ah.
Mamulka Hey'adda Gargaarka Maareynta Masiibooyinka ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejiyay 5- neef oo Geel ah looguna talo galay Askarta Dhawaaca ah ee ciidanka xds ee ku jira Isbitaalka.
Munaasabaddi gudoonsiinta xoolahaasi oo ka dhacday xarunta Isbitaalka, Xds ayaa waxaa ka hadlay Luul Axmed agaasimaha howlaha Maareynta ee hay’adaasi, iyadoo sheegtay in deeqdaan ay qeyb ka tahay dadaalka loogu jiro dhiirigalinta Geesiyaasha Xoogga Dalka ee Argagixisada Dalka ee Dagaalka kula jira Argagixisada.
Sidoo kale wareejinta deeqdaasi,waxaa ka hadlay Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Cali Aadan Xasan.
Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Dalka Dr.Saadaam ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabaddaasi wuxuuna kamahad celiyay deeqda la soo gaarsiiyay Isbitaalka Xds.
deeqda ayaa waxeey katimid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.