MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH AY UGU BILAABATAY DALKA UGANDA

0
Monday August 08, 2022 - 16:39:34 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH AY UGU BILAABATAY DALKA UGANDA

    Kampala, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kampala, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip