Ugu yaraan 30 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo lagu dilay gobalka Hiiraan
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo kawada degaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab gaarsiiyay khasaare xoogan
Degaanka Bukure oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiran oo ay Ciidanka Xoogga Dalka ka sameeyeen howlgal ayay ku dileen 30 maleeshiyaad iyo horjoogayaal katisan nabadiidka Al-shabaab iyadoona gacanta looga digay ku dhawaad 20 qori oo isugu jira kuw culus iyo kuwa fudgud sidookale waxeey Ciidanka Xoogga Dalka gabi ahaan burburiyeen xaruntii ay degaankaasi Bukure ku lahaayeen argagaixisada sida uu Idaacadda Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray howlgalada inay mudooyinka socdeen islamarkaasna Shacabka Soomaaliyeed looga dulqaadayo dhibaada ay ku hayaan kooxda argagaxisada Al-shabaab.